Monday, January 13, 2020

HA IS-DHIIBIN




Waxa uu ahaa addoon, weliba addoon madaw ah, waxaana uu addoon u ahaa nin kamid ah saldanaddii qureysheed ama raggii markaa ugu sareeyey laguna magacaabi jirey Umayah Binu Khalaf. Waxa uu addoonkani ahaa adhi jire wuxuuna ku raaci jirey magaalada Makkah duleedkeeda. Waxa uu qaban jirey shaqooyin dhib badan oo tacaddiyo badan kala kulmi jirey, wuxuuna ahaa qofaan loo naxariisan dulmi aad ufara badanna loo geysan jirey. Balse wax walba xagga dambe ayay iska baddali doonaan.

Waxa lasoo direy Nebi Muxammed (SCW). Addonkani waxa uu qaatey Diinta Islaamka ee Nebigu la yimid (SCW). Maalintaa cashar iyo nolol cusub baa u bilaabantey oo tii hore ee uu ku jirey ka daramba, rafaadkuna waxa uu ku noqdey mid ku sii xoogeysta, aflagaaddada dilka ka xun baa ku koradhay, markii lagu ogaadey inuu Muslimay oo diinta islaamka qaatey.
Ka noqo ayaa lagu yidhi, wuu diidey laakiin waa la jidh diley, la xanuunjiyey, la caayey, bannaanka makkah inta loo saaro iyadoo ay qorraxdu aad u kulushahay baa dhabar-dhabar loo jiifin jiray dhagax weyna caloosha laga saari jirey, waxa loola dhaqmi si Bani-aadannimada ka baxsan.

Waxma garatada iyo caruurta ayaa lagu diri jirey, meel kasta dhiig baa ka iman jirey, raxmadda alle haddii aanu addonkani haysan waxa uu la dhiman lahaa waxaas oo rafaad ah.

waxaa lacag badan ku xoreeyey Abuu Bakar Al-Saddiiq, waxa uu noqdey addoonkii mid wax walba dhanka kale u roga, wuxuu addoon u noqdey kii abuurey oo keliya, waxa uuna ka baxey noloshii hore ee foosha xumeyd ee uu ku sugnaa, wuxuu noqdey mu'adinkii khaaska ahaa ee Nebigu (SCW), waxa uu ahaa daaci diinta islaamka faaafiya, wuxuuna ka qeyb qaatay jihaaddo badan oo uu islaamku la galay gaalada.

Ma garanaysaa waxa uu addoonkani khaas ku noqday?. Haddii maanta gabdhaheennu ku yidhaahdaan lacag keen, meher badan baan rabaa, huteel hebel igu arooso, wasiir hebel, hebel kale oo caan ah, hebel oo lacag leh , hebel iyo heblaayo uyeedh arooskeenna. Shardiga gabdhuhu ku xidhi jireen ninka doonaya inuu aroosto (Guursado) waxa uu ahaa uyeedh asxaabigaa haddii kale iska soco!.

Ma garanaysaa ninkaa? Ma garanaysaa asxaabigaa, ma garanaysaa qofkan nolosha dhibtan oo dhan la mariyey ee la kulmay dhibaatooyinkaa xagga sare ku xusan, waxa uu ahaa BILAAL BINU RABAAXA (RC), jannaduu ku arkay nebigu Bilaal amba Sanqadhiisa ayuu ka maqley sida Riwaayadaha qaar sheegaan.

Waxa la sheegaa in wakhti wakhtiyada kamid ah Nebiga ay uyimaadeen dumar rabey in ay inantooda nin u guuriyaan. Markaas uu Nebigu (SCW) yidhi " Ka warrama Bilaal haddii aan uguurinnno". Aad ayay arrinkaa uga cago-jiideen oo way ka meermeereen, maadama oo ay inantooda la rabeen nin Carab ah, ayna diidanaayeen in inantooda loo guuriyo nin madow ah. Dhawr jeer ayuu Nebigu ku cel-celiyey "Ka warrama Bilaal" Markuu arkey Nebigu inay ka walaacsanyiin ayna yasayaan Bilaal ayuu Nebigu(SCW) yidhi "Ka warrama nin ka mid ehlu jannaha amba dadka jannada galaaya" Markaas ayay sidaa ku yeeleen inantiina loogu guuriyey. Waana sababta loogu aaneeyo in Dumarku shardi ragga uga dhigi jireen in Bilaal yimaaddo meherkooda.

Sababta aan qisadaa hore usoo qaadanney ayaa ah bal in aynu xaalkeenna iyo xaalka asxaabigaasi ku sugnaa is barbar dhigno,
Waxa inoogu filan inaan noqonno kuwa aan is-dhiibin ufiirso dhibta uu marayo Bilaal (RC) miyaad odhanaysaa taaso kale ayaa i qabsatey?. Waan hubaa jawaabtaadu inay tahay 'maya', xikmad Soomaaliyeed ayaa tidhaahda "markey kuugu adagtahay, bey guuli kuugu dhawda'hay."

Hays dhiibin daagaalan ilaa daqiiqadda ugu dambeysa nolosha, waxa la arkaa inaad waxa aad u oomantahay hesho weliba aad sameyso Isbeddel muuqda oo la taaban karo, yaanay ku istaajin hadallada kasoo baxa afka dadka. Ma jiro qof og waxa ku qarsoon maskaxdaada, kaligaa ayaa og waxaad tahay iyo waxa maskaxdaada ka guuxaya.
Yaanuu ku xukumin qofaan aqoon kuu lahayn aan garaneyn waxaad tahay iyo waxaad ku fikirto, tusaalena haka dhigan shalay waan jabay wax walba way iga xumaadeen, mustaqbalka maxaa isugaya, nolashuna qiimo iima laha maxaa igu dhacey?!.

Gabeygan uu Xaaji Aadan Afqalooc tiriyey ayaa waxa kamid ahaa tuducyadan oo si toos ah uga jawaabaya su'aalaha xagga sare ku xusan:-

*⃣ Seben tagey mid weli soo socdiyo, Saaka waxa jooga,

*⃣ Saddexdaa waqti baa xaal adduun, lagu sifeeyaaye,

*⃣ Soo noqod ma jiro shalay wixii, saadufoo dhacaye,

*⃣ Waxa saadambeetiyo berrina, waa su`aal maqane,

*⃣ Waxey taladu kuu suubantahay, subaxa aad joogto.

Waa sax shalay way tagtey shar iyo kheyrba dibna usoo noqon mayso, berri ma ogin halka aynu ahaan doonno, laakiin maanta go`aanku Alle ka sakow innaga gacanteenna ayuu ku jiraa. Waa hadba sida aynu innagu udhaqanno, wakhtigeenana u qaadanno niyad jabka iyo walaacana ka baxno.


Waxaan rajeynayaa inaad qisada Bilaal si fiican iila Fahantey oo aad iila dhuuxdey, sababta loosoo qaato qisooyinka noocan oo kale ah ayaa ah in kor loogu qaado Hab-fikirka qofka, si uu uga helo dhiirrigelin oo uu ku dhiirrado inuu waxqabsan Karo. Dhibaato kaste amba caqabad kaste oo soo wajahda kaga bixi karo.

Tixraacyada Qisada.
Sawirro ka mid ah noloshii saxaabada/Raafid Baashe.
Tilmaame kooban/Aw Tukaale.
Tilmaan iyo Hoggaan/Cabdiqani Qorane.


W/Q: Cabdiqani Qorane



Monday, January 6, 2020

Muhiimadda ay leedey in Qofku Hiigsi iyo Hammi yeesho.



Maxaa ka macaan markaad xaqiijiso shay dadka intooda badan uhaysteen inay samayntiisu mustaxiil Tahay " ~Aristotle

Waxaa lagu soo koobi karaa Seddexdan qodob.
1. xakamaynta ama ka adkaanta Nafta.
2. kalsoonida iyo aaminidda Naftaada.
3. ku raaxaysiga Nolosha.
Waxay ka dhigantay inaad leedahay qorshe deggan, barnaamij diyaarsan oo isku dheelli tiran oo sabab u noqon kara kal saaridda dhammaan yoolalka iyo ahdaafta kala duwan ee qaybaha nolosha .Taas oo kuu fuudaydin karta inaad noqoto ruux maamuli kara habdhaqankiisa, awood u leh maareynta iyo ka gudbidda caqabadaha kala duwan ee ku soo foodsaari kara intaad ku jirto nolosha adduunyo .

Waxaad ku sifoobaysaa odhaahdii uu yidhi faylasuufkii caanka ahaa ee Aristotle :“ Maxaa ka macaan markaad xaqiijiso shay dadka intooda badan uhaysteen inay samayntiisu mustaxiil tahay".

~ Cabdiqani Qorane