Tuesday, July 28, 2020

Kumuu ahaa Dr Maxamed Mashaali "Dhakhtarka Saboolka"?




Kumuu ahaa Maxamed Mashalli (Dakhtarka Saboolka).? Geeridiisa ayaan baraha bulshada ku arkey. Alle ha unaxariistee. 

"Waa masaari, Mohamed Mashally, "Dhakhtarka saboolka" ♥

Wuxuu ka qalin jabiyay Kulliyadda Caafimaadka sanadkii 1967 kii wuxuuna galay kaalinta koobaad isaga oo keenay itixaaankii udambeeyay 99.3% ...

Mohamed Mashally ayaa daweeyay masaakiinta 50 Sano kabadan, si lacag la’aan ah  oo xitaa wuxuu siiyaa lacag ay ku iibsadaan daawo, kuwa aan awoodin, Wuxuu ka qaataa lacag dhan 10gini(in ka yar hal doolar). Boqolaal bukaan ah ayaa safan maalin kasta iyagoo hor joogarugtiisa,caafimaad,Dr. Maxamed wuxuu shaqeeyaa 10 saacadood maalintii laga bilaabo 9ka subaxnimo ilaa 7da fiidnimo si loo daweeyo tirada ugu badan ee dadka ah. 

Muhammad Mashali ma haysto gaari, xitaa taleefanka gacanta, wuxuu ulugeeyaa   gurigiisa markuu shaqada kaboxo inkastoo uu 80 sano jiro.
Xitaa markii mid ka mid ah maalqabeenada Khaliijka uu maqlay sheekadiisa, wuxuu ugu deeqay 20 kun oo doolar, wuxuuna siiyay gaari u fiican xaaladiisa, laakiin sanad ka dib, mutadawiciinta ayaa ogaadey markii uu ku soo laabtay Masar in Muxammad lacagtii uu u qeybiyay bukaannada  saboolka ah uuna  iibiyey gaarigii si uu ugu iibsado aaladaha  loogu baadho bukaanka si bilaash ah.

Hadda waxaa uyimid qolo LA yiraahdo قلبي إطمئن oo dadka caawiya waxay damceen inay caawiyaan wuu diiday,  Muxammad Mashaly wuxuu yidhi: Qalin-jabintaydii  kadib waxaan ogaaday in aabahay uu naftiisa II huray  si uu dhakhtar iiga dhigo..
Markaa waxaan Ilaah ugu ballanqaaday inaanan ka qaadan masaakiinta lacag badan kii aan haysana aan ka dhaafo." Alle naxariistii janno haka waraabiyo qof mutawaadic ah ayuu ahaayee.

cabdiqaniqorane.

Thursday, May 7, 2020

Hees hawleedyada Geela



Qaybta Seddexaad. Q.3aad.

Soomaalidu sideedaba waa dad Suugaan ku Nool ah. Haddaba geela ayaa ah ka ugu mudan xoolaha ay Soomaalidu dhaqato. Waxa uu leeyahay heeso fara badan, waxaan isku dayi doonaa in aan soo qaato qaar kamid ah Heesaha Geela. Qormooyin gaagaaban oo taxane ah oo ka hadlaaya Suugaan dhaqameedka Soomaalida, intaa Ramdaantana soconaaya ayaan idinla wadaagi. Heesaha loo qaadaa way badanyiin, haddaad tu kale garanaysid barta faallada waad nagula wadaagi kartaa si aan kaaga faa'idaysanno.

HEESTA GEEDDIGA GEELA.

Waa horwayntii,
Markuu Hawd galo,
Waraaba Hurdiyo,
Haadda kicin jirey,

Waala guuriye,
Gobaad naasaha,
Gahaydh xagatiyo,
Geedka ka ogow,

Satan soogane,
Sawaxantee,
Suub ma geeddaa,
Oo ma sahanbaa,
Oo ma socodbaa.

La soco qaybta Afraad.

https://cabdiqaniqorane.blogspot.com/2020/05/hees-hawleedyada-geela.html

W/Q: Cabdiqani Qorane

Wednesday, May 6, 2020

Hees hawleedyada Geela



Qaybta Labaad. Q.2aad.

Xoolaha Soomaalidu dhaqato meesi kastaaba waxa uu leeyhay hees ugaara oo aanay xoolaha kale la wadaagin. Waxaana kamid ah xilliyada xoolaha loo heeso:-

Xilliyada waraabka, Durduurta, Geeddiga, Carraabaha, Daajinta, Foofinta, Milxinta (Carro) siinta Iyo wakhtiyo kale oo badan.

Soomaaliduna sideedaba waa dad Suugaan ku Nool ah. Haddaba geela ayaa ah ka ugu mudan xoolaha ay Soomaalidu dhaqato. Waxa uu leeyahay heeso fara badan, waxaan isku dayi doonaa in aan soo qaato qaar kamid ah Heesaha Geela. Qormooyin gaagaaban oo taxane ah oo ka hadlaaya Suugaan dhaqameedka Soomaalida, intaa Ramdaantana soconaaya ayaan idinla wadaagi.

HEESTA DUR-DUURTA (Rakaadda) GEELA.

Hay Dul joogine,
Tii Durduurtiyo,
Tii daftaay durug,
Jiijaaleeyeey,
Jidkii dheera,
Waynu jeexiye,
Waynu jiidane,
Jiijajada xidhxidho,
Sool in aad mari,
Soddon in aad qadi,
Ood sidii noqon,
Saa biyaha ku cab.

La soco qaybta Seddexaad.

https://cabdiqaniqorane.blogspot.com/2020/05/hees-hawleedyada-geela.html

W/Q: Cabdiqani Qorane

Hees Hawleedyada Geela


Geel la waraabinayo.
Qaybta koobaad. Q.1aad.
Xoolaha Soomaalidu dhaqato meesi kastaaba waxa uu leeyhay hees ugaara oo aanay xoolaha kale la wadaagin. Waxaana kamid ah xilliyada xoolaha loo heeso:-
Xilliyada waraabka, Dur-duurta, Geeddiga, Carraabaha, Daajinta, Foofinta, Milxinta (Carro) siinta Iyo wakhtiyo kale oo badan.
Soomaaliduna sideedaba waa dad Suugaan ku Nool ah. Haddaba geela ayaa ah ka ugu mudan xoolaha ay Soomaalidu dhaqato. Waxa uu leeyahay heeso fara badan, waxaan isku dayi doonaa in aan soo qaato qaar kamid ah Heesaha Geela.
Heesta waraabka Geela.
Wax shidaatiyo,
Sharba necebeey,
Shifo ku af saar,
Oo shar kuuma leh,
Sheekhii diintaa,
Taxliil ugu shubay,
Anna sheenkay,
Shaabka eegaan,
Tooray ugu shubay,
Saddex boqol iyo,
Sagaashan Habeen,
Oo sidkaa yahay,
sac nin maaliyo
Sabool sugi waa,
waanse kugu Simay.
La soco Qaybta labaad ee Dur-duurta Geela.
W/Q: Cabdiqani Qorane

Monday, May 4, 2020

Waa Maxay Hidde, Dhaqan Iyo Caado?.



Waxa dadka badankiisu hidde iyo dhaqan u yaqaan iyo waxa dhaqan yahay ayaa cirka iyo dhulka isu jira. Hiddaha iyo dhaqanka ma Seddex-qayd la xidho iyo timo la tidcaabaa?.

Ma laba go' oo bafto ah oo midna la guntado midna garbaha laga kala ridaabaa?, Ma aqal Soomaali iyo Haamo qabo ahbaa?, Ma dhaanto iyo saylaci la boodaabaa?. Run ahaantii la yaab maaha in Soomaalida badankeeda marka erayga " dhaqan amba hidde" la soo qaado ay maankooda kusoo dhacayso inta magac ee kor ku xusan iyo wax lamid ahi. Inta aynu soo sheegnay midna hidde iyo dhaqan maaha. Qormadan yar ee kooban waxaynu bulshada kaga saari doonnaa khaladka ay ka fahmeen "hidde, dhaqan iyo Caado". Mid kaste bal gaarkiisa ayaynu u qeexi doonnaa oo Tuslaayaal ayaynu ka bixin doonnaa. Buugga Waayeel iyo Waano ee uu qoray qoraa Maxamed-Keyse boggiisa 255aad ayuu saddexdan ku kala qaaday. 

Waa maxay CAADO?

Haddii ciyaar Soomaalidii, aqal Soomaaligii; boqorkii; dhaclihii; seddex-qaydkii iyo subeeciyaddii ay dhaqan iyo hidde noqon waayeen maxay yihiin? Waxa ay yihiin waa "Caado". Waxa la yidhaa Caado wixii bulsho isticmaalkeeda badsato ee caado ka dhigato in ay samayso. 

Waa maxay dhaqan?. 

Dhaqan waxa lagu magacaabaa waxii qof amba bulsho aaminsantahay haddii ay ku xad-gudubto in ay dambi gashay, ee la rumaysanyahay in la fuliyo amba la xaq-dhawro. Qofka waxa dhaqan u ah waxa diinta uu rumaysan yahay farayso. Tusaale ahaan xishoodka iyo asluubta, cibaadada, sadaqada IWM ahi waa dhaqan. Waa arrimo Diintu farayso qofka haddii uu guto uu ka helaayo abaal marin wanaagsan.

Waa Maxay HIDDE?

Hidde waa ka duwanyahay caado iyo dhaqan. Waxa ugu mudan ee marka la arko qof lagu baadi-soocaa waa hiddihiisa. Haddii ay kaasoo hor baxaan qof Hindi ah; mid Shiineys ah iyo qof reer Yurub ahi waxa aad kala garanaysaa iyada oo aan laguu kala sheegin. Waxyaabaha ugu mudan ee muuqa qofka kuu sheega meesha uu ka yimid asal ahaan waxa ugu horreeya: midabka timaha, indhaha iyo iwm ah. Si kooban haddii aan u nidhaahno "hidde waa muuqa (qaab-dhismeedka) qofku ka dhaxlo isirka uu kasoo jeedo".

Bisha Ramadaan ka hor ayaan waxa aan akhriyay buug badan oo ka hadlaysa Suugaanta Soomaalida, bulshada soomaaliduna waa dad suuqaan ku nool ah. Waxyaabaha ay ka maansoon jirteyna waxa kamid ah xoolaha ay dhaqato. Sida: Geela, awrta, adhiga, riyaha, idaha, maqasha, fardaha, baqalaha,Lo'da, dibida, dameeraha. Intan bisha Ramadaan ee barakaysan lagu jiro haddii alle idmo; maalin kaste waxaan idin la wadaagi doonaa suugaanta iyo heesaha loo qaado iyo waliba wakhti walba heesta gaarka ah ee loo qaado. Tusaale ahaan marka geela la waraabinayo, la foofinayo, la maalayo, la foofinayo.

Markasteba xooluhu waxay leeyiin hees hawleed u gaar ah, oo ku salaysan wakhtiga ay joogaan. Dadkeennii hore ee soomaaliduna uqaadi jireen. Haddaba oxoogay yar oo intaa kamid ah oo aan soo ururiyay waxaad kala Socon kartaa dhammaan ciwaannada aan Baraha bulshada ku leeyay ee "Cabdiqani Qorane".


Thursday, March 5, 2020

Sookoobidda Buugga " KALA BARO RUN IYO BEEN".

Sookoobidda Buugga "KALA BARO RUN IYO BEEN".


Hordhac.

Buugga "Kala Baro Run iyo Been",ee uu qorey Suldaan Nayruus oo ah qoraa allifey oo qorey buugaag kale oo tiro badan, waxa uu ka koobanyay buuggu 51 bog iyo 19 ciwaan hoosaad marka laga reebo Tixraaca buugga oo uu qoraagu kaga dhigaayo 20 ciwaan hoosaad. Daabacaaddii ugu horeysay ee buugga waxa la faafiyay 2008dii, waxaana daabacdey "Yalax Print". Dhanka habqoraalkiisu aad ayuu ufiicanyay, walow ay jiraan khaladaad dhanka kombiyuuterka ah oo dhanka qoraalka ah (typing error), qoraaga buuggana waxa aan ku ammaanayaa sida farshaxannimada leh ee uu qorey buuggan. Tusmada buugga markaad ka gudubtid waxa uu ku xigsiinayaa Mahadnaq, waxa uu mahadnaqayaa dadyow kala duwan oo qofba si uga soo qayb qaatey buugga, haddey noqoto Tifatir iyo erey bixin, oo ka xusaayo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, Shaafici Maxamuud Ciise, Dr.Warsame Xasan Nuurre iyo kuwa kale oo badan, oo uu qoraagu sheegey inuu kasoo xigtey wareysiyo laga qaadey. Sida xagga ugu dambeysa ee TIXRAACA uu ku xusaayo.

"Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan buugga Falanqayneyn oo aanan Gorfayneyn, balse Sookoobis kaliyaa ay ku koobantey, khaladaadka buugga iyo dhaliishiisana aanan ka hadleyn. Sidoo kale waxaan kasii cudur daaranayaa in Aniga iyo Qoraaga buuggu, kala lahjad aanu wax ku qorno oo aan anigu lahjad Waqooyi wax ku qoro, qoraaguna uu buugga lahjad Koonfur uu wax ku qoro."

Markaad intaa kasoo gudubtid buuggu waxa uu si xeeldheer uga hadlayaa Beenta. Waxa uu sheegayaa waxa ku kalliftey inuu arrintan aad uga fiirsado, kaddib markii uu arkey sida Soomaalidu waayadan Beensheegga u caadeysteen. Marka aad buuggan akhriso, waxbadan oo kaa dahsoonaa ayaad ogaaneysaa, waxa uuna kuu sahlayaa haddii aad adigu Beenaale tahay inaad is-ogaatid iyo tabihii aad iskaga dayn lahayd, haddii aanad ahaynna in aad ogaato BEENTA iyo dadkeeda iyo sidii aad uga daweyn lahayd.

Si guud, buuggan marka ugu horeysa waxa uu ku qeexayaa; Waxay Beentu tahay, isagoo si faahfaahsan uga warramaaya, inta qaybood ee ay Beentu u qaybsanto, heerka iyo darajooyinka dadka beenta sheega, danta iyo ujeedooyinka beenta loo sheego, qaabka lagu ogaan inuu qofku been kuu sheegayo, astaamaha muujiya inuu qofku been sheegayo, sababaha ku dhaliya inuu qofku been sheego, meelaha beenta iyo dadkeedu ku badanyihiin iyo meelaha ay ku yaryiin, beenta in lagu dhasho iyo in la barto, goorta iyo halka beenta laga barto, beenta in la joojin karo iyo inkale, waddooyinka fududeeya inuu qofku beenta iska daayo, beenaalaha iyo bulshada, beenta iyo Soomaalidii hore iyo midda hadda, maahmaahyaha Soomaaliyeed ee beenta ku saabsan, beenta iyo waxa ay diinta islaamku ka qabto iyo xilliyada ay beentu bannaantey. Sidoo kale buuggu taabanayaa Runta iyo Runlowga iyo sida diinta islaamku u ammaantey.

Marka koobaad waxa uu qoraagu si fiican usharaxayaa Beenta iyo waxey tahay, Beentu waa wax aan hore u jirin oo la sheego, wax hore u jirey oo si khaldan loo sheego, isagoo qoraagu tusaalayaal fara badan soo qaadanaya, caddeynayana inaaney beentu ahayn oo kaliyaa wax afka laga sheego, balse ay soo galayaan Ficilka iyo xaalka qofku ku suganyay in uu been ka sheego. Haddii uu qofku sameynayo fal aan waafaqsaneyn Qalbigiisa, falkaasi been ayuu noqonayaa. Sido kale qofku haddii uu iska dhigaayo waxaanu ahayn, iyaduna waxey soo hoos galeysaa beenta. Tusaale, haddii qof jaahil ah oo aan waxna qorin waxna akhrin, uu soo qaato kutubta waaweyn ee lagu yaqaanno, dadka Culimada iyo Aqoonyahannada.

Waxa uu qoraagu ku xigsiinayaa inta qaybood ee ay beentu u qaybsanto, marka la sheegayo, waxeyna uqaybsantaa Saddex Qaybood.
1. Bun: Waa beenta lagu dhex daro runta ee lagu macaaneeyo, si qofka beenta Sheegayaa war uu maqley u buunbuuniyo.
2. Bahaloosi: Waa mid gabi ahaanba been ah, amba ay ku badantahay beentu, waa midda beensheeguhu si habeysan isugu duwo una farsameeyo. Kolka uu qofka beenaalaha ahi kuu warramaayo, waxaad moodeysaa in uu run caadi ah sheegayo. Balse marka uu tago beensheeguhu ayay dadku int caqliga lihi yidhaahdaan " Waar nimanyahow waxa uu ninku sheegey run iilama eekee, waxey iila eekeyd Bahaloosi. Qaybtan waxa sheega " Beenaalaha iyo Beenhawaaska". Laakiin Labadoodu way ku kala badanyihiin, waxeyna shaqi rasmi ah u tahay beenhawaaska.
3. Biir/Qaras: Tani waa been cad oo marya la' oo cid waliba fahmi karto inay been cad tahay. Beentaas marka qofka beenaalaha ahi ka sheekeynayo ee uu dhexda marinaayo, ayaa dadku intey caloosha qabsadaan yidhaahdaan, " Waar hebalow Biirta caloosha hanagu kala goyn ee naga jooji", " Waar Qarasta naga kala aayar, iyo bahasha dhagax nooga dhig". 

Heerka iyo darajooyinka dadka beenta sheega, qoraagu waxa uu sheegayaa in dadka beenaalayaasha ahi aaney isku heer ahayn, oo qofba heer ka taaganeyn Saddex qaybood ayuu uqaybiyey.
1. Been-barad : Waa kuwa aan beensheegidda xirfad iyo Waayo'aragnimo toonna ulahayn, balse markaa soo barbaranaaya, waxa ay noqon karaan dad waaweyn oo goor dambe bilaabey beensheegidda.
2. Beenlow amba Beenaale: Waa qayb hadii ay dhibi ku timaaddo, iyagu xirfad iyo Waayo'aragnimo ay kolkaas isku difaacaan leh, waxay awodaan inay been isku badbaadiyaan.
3. Beenhaeaas amba Haamaan: Waa qaybta ugu halista badan ee aan laga dareemin marka ay beenta sheegayaan, waxey awodaan inay cid kaste beentooda ka dhaadhciyaan. Waayo'aragnimo iyo khibrad badanna way uleeyihiin beenta.

Maxey tahay danta iyo ujeedka beenta loo sheegaa?.
1. Dan-ku-qunsi. Waxaana isticmaala dadka dan iyo ujeeddo gaar ah ka leh, sida; Siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha, Dirediyaasha, Dillaaliinta, Laammaanayaasha is shukaansada, Afmiishaarrada iyo Tuugta, Majaajileystayaasha.
2. Darajo-muujin: waxaana isticmaala Faanbadanayaasha iyo islaweynayaasha, Warbadenayaasha iyo warjeclayaasha.
3. Wakhtidil: Waxaana isticmaala Baagamuudida iyo dadka bilaa camalka ah, YooYooga (Yowyowga) iyo Ciyaalsiiyaha.
Astaamaha lagu garto inuu qofku been sheegayo;-
1. Luuqadda jidhka
2. Jihada indhaha qofku ujeedaa
3. Iskhilaafka Sheekada
4. Walaacdareemid
5. Ka dheeraanshaha mawduuca.
6. Ku-adkeysi la'aan
7. Qofka oo xanaaqa haddii lagu yidhaahdo " Waar Beenta naga daa"
8. Mawduuca uu ka hadlaayo su'aalo ka weydii
9. Hadal badan iyo sharraxaad dheer.
10. Iskhilaafka luuqadda jidhka iyo hadalkiisa
11. Muujin isku kalsoonaan saa'ida iyo isbuunbuunin.
Xasuusnow: Hadii qof in badan oo calaamadahaas aan soo Sheegney ah, ruux been loooga shakiyo lagu arko, waxa ay maragmadoonto ka dhigeysaa beentiisa.

Sababaha Qofka ku dhaliya inuu Been sheego, qoraagu mawduucaas aad ayuu ugu dheeraanyaa, balse waxaan isku dayayaa inaan soo koobo oo aan qodobada oo bilaa sharraxaad ah soo qaato. Waxa kamid ah;-
1. Wajaceylka iyo Warbadnida
2. Faanka badan iyo isla weynida
3. Diredirada, Xanta iyo Xaasidnimada
4. Tuugnimada
5. Tartanka
6. Jago-jaceylka
7. Shukaansiga 
8. Balwadda
9. Dillaalnimada
10. Baqdinta iyo isdifaaca
11. Jeclaanta indhaha la' iyo Necbaanta dhagaha la'
12. Camal la'aanta amba baagamuudada
13. Majaajileynta
14. Alle ka cabsi la'aanta
15. La saaxiibidda Beenaalayaasha
16. Damaaciga
17. Buufiska (Qurbajaceylka)


Marka uu intaa dhameeyo qoraagu waxa uu xigsiinayaa, Meelaha beenta iyo dadkeedu ku badanyihiin iyo meelaha ay ku yaryiin.

Meelaha ay ku badanyihiin waxa kamid ah:
• Fadhi-ku-dirirrada
• Tiyaatarrada riwaayadaha, heesaha, niikada iyo qoob-ka-ciyaarka
• Naadiyaasha ururrada siyaasadda iyo kuwa NGO-yada ee umadda magacooda ku qadhaabta.
• Goobaha ciyaaraha
• Goobaha Saxaafadda, siiba midda beenta iyo isku dirka ka shaqeysa
• Goobaha YooYooga iyo aroosyada ay maamulaan
• Goobaha garnaqsiga iyo xaqduudsiga
• Goobaha Khamaarka
• Majaalista biibatooyinka/ dabakaayooyinka shaaha, kuwa kafeega iyo cabbitaanada
• Majaalista qaadka.
• Goobaha waxbarashada aan Diiniga ahayn ee ay ku badanyihiin ardeyda aaan akhlaaqda lahayn.

Meelaha ay ku Yaryihiin waxa kamid ah:
• Goobaha Dugsiyada/ malcaamad Quraanka
• Madaarista Islaamiga ah iyo goobaha kale ee Khayrka
• Meelaha dadka ehlu Khayrka ahi ku badanyihiin.
• Baadiyaha.

Marka uu intaas kasoo gudubtid qoraagu waxa uu ugalayaa dhawr su'aalood oo uu si faahfaahsan uga jawaabayo. Beenta maa lagu dhashaa mise waa la bartaa?, goortee iyo halkee ayaa beenta laga bartaa?, beenta ma la joojin karaa?. Beenta cidna kumey dhalan ee waa la bartaa, meelaha laga bartana waxaa kamid ah Guriga iyo meelaha ay beenaalayaashu ku badanyihiin ee xagga hore qoraagu kusoo sheegey. Qoraagu waxa uu si cad usheegayaa in beenta la iska joojin karo, sababtoo ah beentu maaha wax qofka jidhkiisa ku sameysan, waaney ufududey inay iska daayaan dadka markaas uun "Beenbaradka ahi". Laakiin qofka" Beenhawaaska" ah way adagtey inuu iska daayo.
Qoraagu wxuu intaas kusoo xidhayaa "Waddooyinka fududeeya in Beenta Qofku iska daayo". Isagoo xusaaya in uu qofku dhammaan ka fogaado waxyaabaha xunxun ee beenta keena, sida: Saaxiibidda xunxun , goobaha beenta iyo beenaalayaashu ku badanyihiin, iyo in uu qofku la saaxiibo dadyowga wanwanaagsan iyo dadka ehlu khayrka ah.

Beenlowga iyo Bulshada, Qoraagu waxa uu si fiican u iftiiminayaa in qofka beenaalaha ahi, uu markaste bulshada culeys ku yahay lana necebyahay. Waxa uusoo qaadanayaa "Beenta iyo Soomaalidii hore iyo midda hadda" . Beentu Soomaalidii hore agtooda waxey ka ahayd wax xun oo qofkii ku sifoobaana magac xumo iyo liidnimo ka dhaxli jirey, iyagoo ugu yeedhi jirey qofkaa HEBEL BEENAALE, xitaa Soomaalidii hore ee beenta sheegi jirey iyaga laftoodu way la xishoon jireen oo dariiqyada lamay Istaagi jirin, kumayna faani jirin waxey u arki jireen Ceeb. Balse Soomaalidan hadda joogta beentu waa u caadi, ninka halaagga ah ee beenta yaqaanana way soo dhaweystaan oo waxey uyaqaanaan Geesi xaqooda usoo dhicin kara, xagga ka kale ee ilaahay garanaaya ee runta sheegayana ay u yaqaanaan Miskaan yar oo aan waxba usoo dhicin karin. Siyaasiyiinta soomaalidana ninku haddaanu Beenta aqoonin Soomaalidu Siyaasiba uma yaqaannaan. Marka reer kaste la yidhaahdo keensada qofka idiinku habboon ee idiinku halyeysan, waxey soo xushaan ka ugu beenta badan uguna tuugsan ee Haamaanka ah. Haddii aad weydiiso dad badan oo Soomaali ah waxa beenta ku kallifa, waxey kuu sheegayaan in runta sheegsheegideeda la isku naco. Waxa soo qaadanayaa qoraagu Maahmaahyo badan oo beenta ka hadlaayaa sida "Hadal badan badh baa been ah", " Been fakatey runi ma gaadho".

Diinta islaamkuna beenta si cad ayay uxaaraantimeysay, isagoo qoraagu Axaadiis iyo aayado badan oo lagu sheegey xaaraantinimada beenta soo qaatey. Waxa uu kasoo reebey marar ay beentu bannaantey sida:
• Marka ummad lagu heshiisiinayo
• Marka dagaal cadow lagula jiro
• Marka uu nin gabadhiisa ku maslaxanayo, amba gabadhi ninkeeda ku maslaxanayso.
Marka ugu dambeysa qoraagu wuxuu ka hadlayaa "Runta" Iyo inay tahay kasoo horjeedka Beenta. Runta inay tahay shay aad uwanaagsaan oo diinta islaamkuna aad u ammaantey ,isagoo qoraagu Axaadiis iyo Aayado badan oo runta ka hadleysa. Sidoo kalena 'Runta" Waxa uu caddeynayaa inaaney ahayn wax afka oo kaliyaa laga sheegto, balse loo baahanyahay inay qofka in ay qofka ficilkiisa iyo xaalkiisaba ka muuqato.

Ugu dambeyn qoraagu wuxuu usoo jeedinayaa in bulshadu beenta iska dayso runtana ku dadaasho, waxa uu waalidka kula dardaarmayaa in ubadka lagu ababiyo Runta, lagana wacyi-geliyo beenta iyo dhammaan akhlaaqiyaadka xun.


Gun iyo Gabagabo.

Sababta aan buuggan usoo koobey, wax kale maaha ee waa muhiimadda iyo waxtarka uu uleeyahay, dhammaan bulshadeenna ay beentu ku dhex faaftey ee ay caadiga ka dhex noqotey. Runtiina waa buug aan filaaayo haddii aynu akhrisanno oo ku dhaqanno, nolasheenna wax ka baddalaaya. Sidoo kale waxa jira dad aan buuggu gaadhin oo daafaha dunida kala jooga, oo laga yaabo inaan halka ay joogaan laga heli karin, sidoo kale dadka qaarbaa akhriska buuga ka wahsanaaya oo aan haleel ay ku akhriyaan hayn. Ka Soomaali ahaan, waxaan odhan karaa buuggan uu qoraagu wuxuu inoo soo gudbiyey, wakhti uu ku habboonaa in buug noocan oo kale ah la qoro.

Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan buugga sidii loo baahnaa aanan usoo wada koobin, waxaanan kaa codsanayaa in aad adigu laf ahaantaada buugga raadsatid oo aad akhrisid, si aad faahfaahin, tusaalayaal iyo macluumaad kale oo badan uheshid.

CABDIQANI QORANE.
Hargeysa.
5 Maars/2020.

Friday, February 14, 2020

Maalinta Jaceylka Adduunka?.

Cabdiqaniqorane.com

Guud ahaan Dunida maantoo kale waxa laga dabbaal dagaa Maalinta Jaceylka adduuunka (Valentine's Day). 


Inta aynaan ugalin taariikhda iyo wakhtiga ay maalintani bilaabmatey. Maxaad ka ogtahay waxyaabaha dhaca maalintan?. Balse ma noqon kartaa maalin ay dad Muslim sheeganayaa udabbaal degi karaan?. Haddey uddabaal dagaanna, ma haboontey inay sameeyaan waxyaabha dadka Diinta kiristanka haystaa Sameeyaan.

Ma ogtahay in maalintan 14ka Feebarweri, ay kumanaan kun oo hablood (Gashaantimo) oo caalamka ku nooli waayaan fursaddoodii Bikro nimo. Sidoo kalena Kumanaan kun oo wiil oo caalamka ahi, qaadaan xanuunada galmada la isugu gudbiyo, Sida HIV/AIDS.

Ma ogtahay in maalintan ay caadi iska tahay in aad Saaxiibadda/Saaxiibkaa (Grilfriend, Boyfriend) gurigiisa uraacdid, waxaad doontaanna soo kala yeeshaan. Sagaal bilood kaddib ma ogtahay in garacda Adduunka ugu badani dhashaan.

Maalinta noocaas ah, ma haboontey innaga oo dad muslim ah oo diinta islaamka haysanna ineynu uddabaal dagno. Mase habboontey in iyadoo maalin kaste ay dadka muslimka ah maalin jaceyl iyo maalin Farxadeed utahay, ineynu hal maalin kusoo koobnaa. Waxaas oo dhan waxa ka daranba taariikhda madow ee foosha xun ee maalintani leedey.

TAARIIKHYAHANNADU sida ay sheegaan waxey yidhaahdaan:
"Maalintani waxay billaabantay xilligii boqortooyadii Roomankii hore.
Boqorkii wakhtigaas ee roomanka oo la odhan jirey "Claudius" ayaa kala foogeeyey wiilasha iyo gabdhaha guurkooda iyo kulankooda, wuxuuna oggolaaday oo keliya habeenka dabaaldegga boqortooyadiisa in gabadh waliba warqad uu ku qoran yahay magaceedu sanduuq yar ku riddo. kaddibna sanduuqaas ayaa wiil waliba warqad kala bixi jirey, sidaas ayaanu ku raadsan jiray inanta magaceedu ugu qoranyay, kaddibna intaa xafladdu socoto ayay wada joogi jiren, halkaas ayaa si nasiiib ah habeenkaas qofka calool galaa uun ku dhalan jirey.
Sannadka intiisa kale ma ay kulmi jirin, ilaa laga gaadho dabbaaldegga danbe iyo sidoo kale cidda nasiibku isku beego. Sababta boqorku sidaas u sameyn jirey ayaa ahayd, inuu geli jirey dagaallo badan, dagaalladaasna uu u baahnaa askar badan oo rag ah. Sidaa dartedna waxa uu rumaysnaa in haddii uu guurka fasaxo in aysan raggu dumarkooda iyo cidda ay jecelyihiin ka tegi Karin, taasna ay keenayso inuu nin weliba dagaalka ka baaqdo. Laakiin habkan uu ku mamnuucay guurka uu xal u yahay in nin kastaa hore ka galo dagaalka, maaddaama aanu waxba ka tegeyn.
Muddo ka dib waxaa soo baxay wadaad VALENTINE la yidhaahdo oo si qarsoodi ah isugu guurin jiray wiilashii iyo gabdhihii kiristaanka, muddo ka dib ninkaas waa la xidhay, waxaana la sheegay in jidhdil iyo ciqaab jeelka loogu dhex geystay awgeed uu u dhintay, 14-kii bishii Feebarweri.
Ninkan ayey dadkii xaaladdiisa la socday u yaqaannaan 'Shahiidkii Jacaylka'.
Baadarigii Pope Galasious ee diiinta Kiristaanka ayaa sannadkii 496 ee Miilaadiga, si toos ah u aqoonsaday in maalinkan la xuso sannad walba 14-ka Feebarweri."
Waxaan fahmi laayay innagoo og oo ka dharagsan waxa ay maalin tan tahay, iyo waxey xambaarsanteyba. Inay haddanna dhallinyaro badan oo Soomaali ahi ay yidhaahdaan waa maalintii Jaceylka.
Baryahan dambe waxa inagu soo badanaayaa dhaqamada gaalada, iyo in aynu ciidahooda udabbaal dagno. Ilaahay ha ina fahansiiyo diintiisa xaqqa ah oo ha inagu sugo.

W/Q: Cabdiqani Qorane.
14 / Feebarweri/ 2020.
Jimce.

Monday, January 13, 2020

HA IS-DHIIBIN




Waxa uu ahaa addoon, weliba addoon madaw ah, waxaana uu addoon u ahaa nin kamid ah saldanaddii qureysheed ama raggii markaa ugu sareeyey laguna magacaabi jirey Umayah Binu Khalaf. Waxa uu addoonkani ahaa adhi jire wuxuuna ku raaci jirey magaalada Makkah duleedkeeda. Waxa uu qaban jirey shaqooyin dhib badan oo tacaddiyo badan kala kulmi jirey, wuxuuna ahaa qofaan loo naxariisan dulmi aad ufara badanna loo geysan jirey. Balse wax walba xagga dambe ayay iska baddali doonaan.

Waxa lasoo direy Nebi Muxammed (SCW). Addonkani waxa uu qaatey Diinta Islaamka ee Nebigu la yimid (SCW). Maalintaa cashar iyo nolol cusub baa u bilaabantey oo tii hore ee uu ku jirey ka daramba, rafaadkuna waxa uu ku noqdey mid ku sii xoogeysta, aflagaaddada dilka ka xun baa ku koradhay, markii lagu ogaadey inuu Muslimay oo diinta islaamka qaatey.
Ka noqo ayaa lagu yidhi, wuu diidey laakiin waa la jidh diley, la xanuunjiyey, la caayey, bannaanka makkah inta loo saaro iyadoo ay qorraxdu aad u kulushahay baa dhabar-dhabar loo jiifin jiray dhagax weyna caloosha laga saari jirey, waxa loola dhaqmi si Bani-aadannimada ka baxsan.

Waxma garatada iyo caruurta ayaa lagu diri jirey, meel kasta dhiig baa ka iman jirey, raxmadda alle haddii aanu addonkani haysan waxa uu la dhiman lahaa waxaas oo rafaad ah.

waxaa lacag badan ku xoreeyey Abuu Bakar Al-Saddiiq, waxa uu noqdey addoonkii mid wax walba dhanka kale u roga, wuxuu addoon u noqdey kii abuurey oo keliya, waxa uuna ka baxey noloshii hore ee foosha xumeyd ee uu ku sugnaa, wuxuu noqdey mu'adinkii khaaska ahaa ee Nebigu (SCW), waxa uu ahaa daaci diinta islaamka faaafiya, wuxuuna ka qeyb qaatay jihaaddo badan oo uu islaamku la galay gaalada.

Ma garanaysaa waxa uu addoonkani khaas ku noqday?. Haddii maanta gabdhaheennu ku yidhaahdaan lacag keen, meher badan baan rabaa, huteel hebel igu arooso, wasiir hebel, hebel kale oo caan ah, hebel oo lacag leh , hebel iyo heblaayo uyeedh arooskeenna. Shardiga gabdhuhu ku xidhi jireen ninka doonaya inuu aroosto (Guursado) waxa uu ahaa uyeedh asxaabigaa haddii kale iska soco!.

Ma garanaysaa ninkaa? Ma garanaysaa asxaabigaa, ma garanaysaa qofkan nolosha dhibtan oo dhan la mariyey ee la kulmay dhibaatooyinkaa xagga sare ku xusan, waxa uu ahaa BILAAL BINU RABAAXA (RC), jannaduu ku arkay nebigu Bilaal amba Sanqadhiisa ayuu ka maqley sida Riwaayadaha qaar sheegaan.

Waxa la sheegaa in wakhti wakhtiyada kamid ah Nebiga ay uyimaadeen dumar rabey in ay inantooda nin u guuriyaan. Markaas uu Nebigu (SCW) yidhi " Ka warrama Bilaal haddii aan uguurinnno". Aad ayay arrinkaa uga cago-jiideen oo way ka meermeereen, maadama oo ay inantooda la rabeen nin Carab ah, ayna diidanaayeen in inantooda loo guuriyo nin madow ah. Dhawr jeer ayuu Nebigu ku cel-celiyey "Ka warrama Bilaal" Markuu arkey Nebigu inay ka walaacsanyiin ayna yasayaan Bilaal ayuu Nebigu(SCW) yidhi "Ka warrama nin ka mid ehlu jannaha amba dadka jannada galaaya" Markaas ayay sidaa ku yeeleen inantiina loogu guuriyey. Waana sababta loogu aaneeyo in Dumarku shardi ragga uga dhigi jireen in Bilaal yimaaddo meherkooda.

Sababta aan qisadaa hore usoo qaadanney ayaa ah bal in aynu xaalkeenna iyo xaalka asxaabigaasi ku sugnaa is barbar dhigno,
Waxa inoogu filan inaan noqonno kuwa aan is-dhiibin ufiirso dhibta uu marayo Bilaal (RC) miyaad odhanaysaa taaso kale ayaa i qabsatey?. Waan hubaa jawaabtaadu inay tahay 'maya', xikmad Soomaaliyeed ayaa tidhaahda "markey kuugu adagtahay, bey guuli kuugu dhawda'hay."

Hays dhiibin daagaalan ilaa daqiiqadda ugu dambeysa nolosha, waxa la arkaa inaad waxa aad u oomantahay hesho weliba aad sameyso Isbeddel muuqda oo la taaban karo, yaanay ku istaajin hadallada kasoo baxa afka dadka. Ma jiro qof og waxa ku qarsoon maskaxdaada, kaligaa ayaa og waxaad tahay iyo waxa maskaxdaada ka guuxaya.
Yaanuu ku xukumin qofaan aqoon kuu lahayn aan garaneyn waxaad tahay iyo waxaad ku fikirto, tusaalena haka dhigan shalay waan jabay wax walba way iga xumaadeen, mustaqbalka maxaa isugaya, nolashuna qiimo iima laha maxaa igu dhacey?!.

Gabeygan uu Xaaji Aadan Afqalooc tiriyey ayaa waxa kamid ahaa tuducyadan oo si toos ah uga jawaabaya su'aalaha xagga sare ku xusan:-

*⃣ Seben tagey mid weli soo socdiyo, Saaka waxa jooga,

*⃣ Saddexdaa waqti baa xaal adduun, lagu sifeeyaaye,

*⃣ Soo noqod ma jiro shalay wixii, saadufoo dhacaye,

*⃣ Waxa saadambeetiyo berrina, waa su`aal maqane,

*⃣ Waxey taladu kuu suubantahay, subaxa aad joogto.

Waa sax shalay way tagtey shar iyo kheyrba dibna usoo noqon mayso, berri ma ogin halka aynu ahaan doonno, laakiin maanta go`aanku Alle ka sakow innaga gacanteenna ayuu ku jiraa. Waa hadba sida aynu innagu udhaqanno, wakhtigeenana u qaadanno niyad jabka iyo walaacana ka baxno.


Waxaan rajeynayaa inaad qisada Bilaal si fiican iila Fahantey oo aad iila dhuuxdey, sababta loosoo qaato qisooyinka noocan oo kale ah ayaa ah in kor loogu qaado Hab-fikirka qofka, si uu uga helo dhiirrigelin oo uu ku dhiirrado inuu waxqabsan Karo. Dhibaato kaste amba caqabad kaste oo soo wajahda kaga bixi karo.

Tixraacyada Qisada.
Sawirro ka mid ah noloshii saxaabada/Raafid Baashe.
Tilmaame kooban/Aw Tukaale.
Tilmaan iyo Hoggaan/Cabdiqani Qorane.


W/Q: Cabdiqani Qorane



Monday, January 6, 2020

Muhiimadda ay leedey in Qofku Hiigsi iyo Hammi yeesho.



Maxaa ka macaan markaad xaqiijiso shay dadka intooda badan uhaysteen inay samayntiisu mustaxiil Tahay " ~Aristotle

Waxaa lagu soo koobi karaa Seddexdan qodob.
1. xakamaynta ama ka adkaanta Nafta.
2. kalsoonida iyo aaminidda Naftaada.
3. ku raaxaysiga Nolosha.
Waxay ka dhigantay inaad leedahay qorshe deggan, barnaamij diyaarsan oo isku dheelli tiran oo sabab u noqon kara kal saaridda dhammaan yoolalka iyo ahdaafta kala duwan ee qaybaha nolosha .Taas oo kuu fuudaydin karta inaad noqoto ruux maamuli kara habdhaqankiisa, awood u leh maareynta iyo ka gudbidda caqabadaha kala duwan ee ku soo foodsaari kara intaad ku jirto nolosha adduunyo .

Waxaad ku sifoobaysaa odhaahdii uu yidhi faylasuufkii caanka ahaa ee Aristotle :“ Maxaa ka macaan markaad xaqiijiso shay dadka intooda badan uhaysteen inay samayntiisu mustaxiil tahay".

~ Cabdiqani Qorane